Aadan Cabdulle Cismaan Daar ( Af-Ingiriis : Aden Abdulle Osman Daar , Af-Carabi : آدم عبد الله عثمان دار ) (dhashay 1908; geeriyooday Juun 8, 2007), wuxuu ahaa siyaasi Soomaaliyeed , hogaamiye qaran, iyo Madaxweynihii koowaad ee Jamhuuriyada Soomaaliya kaasi oo xilka hayay 1dii Luuliyo 1960 ilaa 10kii Juun, 1967. [1] Aadan Cadde waxaa uu ku dhashey magaalada Beledweyne ee dalka Soomaaliya sanadkii 1908 wuxuuna ku geeriyoodey magaalada Nayroobi ee dalka Kenya 8 Juun 2007 . Wuxuu waxbarashadiisii dugsiyada Qur'aanka, dugsiyada hoose, dhexe ku qaatay magaalada Muqdisho . Wuxuuna sameyay dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin ka hor xisbigii Leegada ee SYL bishii Febraayo sanadkii 1944. Sanadkii 1946 wuxuu ka mid noqday xubnihii maamulka ee xisbigaas, waxaa loo doortay in uu noqdo xoghayaha xisbigaas ee degmada Beledweyne ...
Comments
Post a Comment