Posts

Showing posts from November 16, 2017

TARIQDII MADAX WEYNIHI UGU HOREYAY EE DALKEENA

Image
Aadan Cabdulle Cismaan Daar  ( Af-Ingiriis :  Aden Abdulle Osman Daar ,  Af-Carabi :  آدم عبد الله عثمان دار ) (dhashay 1908; geeriyooday Juun 8, 2007), wuxuu ahaa  siyaasi   Soomaaliyeed , hogaamiye qaran, iyo  Madaxweynihii koowaad  ee  Jamhuuriyada Soomaaliya kaasi oo xilka hayay 1dii Luuliyo 1960 ilaa 10kii Juun, 1967. [1] Aadan Cadde waxaa uu ku dhashey magaalada  Beledweyne  ee dalka  Soomaaliya  sanadkii  1908  wuxuuna ku geeriyoodey magaalada  Nayroobi  ee dalka  Kenya  8  Juun   2007 . Wuxuu waxbarashadiisii dugsiyada Qur'aanka, dugsiyada hoose, dhexe ku qaatay magaalada  Muqdisho . Wuxuuna sameyay dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin ka hor xisbigii Leegada ee  SYL  bishii  Febraayo  sanadkii 1944. Sanadkii 1946 wuxuu ka mid noqday xubnihii maamulka ee xisbigaas, waxaa loo doortay in uu noqdo xoghayaha xisbigaas ee degmada  Beledweyne ...