Xiddigis
Xidigis (Af Ingiriis : Astronomy; Af Carabi : ar) sidoo kale loo yaqaano Cilmi Fallag iyo Cilmiga
Xidigaha waa cilmiga barshada Meereyaasha, Xidigaha, dayaxaanta, Galaagsiyada iyo dhamaan Koon eeynu ku noolnahay.
Cilmi Fallaga waa qeeyb ka mid ah Sayniska oo si
toos ah u sharaxa barshada Koonka. Qofka aqoonta u leh Cilmi Falaga waxaa
loo yaqaanaa Xidigisyahan (astronomer).[1]
Gogoldhig
Xiddigisku waa cilmiga barashada xiddigaha, Meerayaasha, iyo wax
allaale wixii dhacdooyin ah ee ka unkama wixii ka baxsan atmosfeerka dhulka.
Waxaa lagu falanqeeyaa xidhiidhka ka dhexeeya meerayaasha, xiddigaha, iyo
kawnka ka baxsan atmosfeerka hawada. Falanqayntaasi waxay noqon
kartaa cimilada hawada, isbeddelka qaab dhismeedka kawnka, kimisteriga iyo
fiisigiska walxahaas ku saabsan.
Culuunta xidigiska waxaa horumarkeeda ka mas'uul ah
aqoonyahanadii u hana qaadey Dunida Islaamka. Waxaa sugan in Islaamka heer aad
u sareeya uu gaarsiiyey waxa maanta ka jira badankii laamaha culuunta sida
xisaabaadka, dawada, juquraafiga, ganacsiga iyo nidaamka beeca, sharciga,
badmaaxa, abaabulka ciidamada xooga, falsafada, beeraha iyo caafimaadka
bulshada. Xigasho qoraal oo laga akhristo kulyada Farsamada Bardera
Polytechnic ee ku taal magaalada Baardheere ayaa
waxaa lagu bixiyaa dersi ciwaankiisu yahay, Cilmi Fallaga iyo Barashada
Islaamka.Qoon walboo adduunyadda ku nool waxay waxkaqoraan cilmiga
xiddigiska markaad u fiirsato somalia reermiyiga markaad wareysato waxaad
arkeysaa iyagoon heysan cilmiga tiknoligiyadda ee xoolahooda raacanaya ayey
haddana waxkaaga sheegayaan xiddigaha iyo isbedelka hawada iyo guga deyrta iyo
xagaaga
Taariikhdii Hore Islaamka iyo Ifbixii Cilmiga Falaga
Ummadii ugu horeysay ee karantiil ku joojisa faafid cudur waxay
aheyd Muslimiintii deganaa dhulka Carabta. Cilmiga Alkami iyo laanta xisaabta ee Aljebra waxaa
ay reer galbeedka buugaagta ku qoraan in Carabta laga dhaxley. Balse adeega iyo
horumarinta intaas way ka dheereyd wayna ka baaxad wayneyd.
Taas annaga oo og, waxaan is waydiineynaa markii Maamulkii
Islaamka uu sharfey barashada laamaha culuunta iyo wax walba oo aadanaha
horumar u ah; dhibna aan gaarsiineyn diinta Islaama, maxaan ku kordhiney laanta
Xidigiska ama barashada cilmi falaga?
Culimadii Laanta Xidigiska Ee Islaamka u Hano Qaaday
Falagyaqanada dunida Carabta ee magaca leh waxaa ka mid ah
Yaquub Ibn Tariq, al-Kwarismi, al-Battaani, al-Farqani, al-Suufi, al-Biruni,
al-Tusi iyo Cumar Khayyam. astronomy.htm[dead link] Buugaag ay nimankaan
qaar ka mid ah qoreen iyo faalooyin looga faaloonayo howshoodii ayaad heli
kartaa haddii maktabada baarto.
Cilmiga xidigiska oo loogu magac daro Hooyada Sayniska, ayaa
waxaa ka qeyb qaatay kobcintiina culimo xidis oo taariikhda Islaamka door weyn
ku leh. Waxaana nimankaan ka mid ah Yaqub ibn Tariq, al-Battani, al-Sufi,
al-Tusi kuwo kale. [1] Archived Luuliyo
22, 2010 // Wayback
Machine
Nimankaan caanka ah qaaraankooda aqooneed wuxuu badankii ka soo
jeeda laanta xisaabta laakiin xidigis qof aan xisaab aqoon ma baran karo kamana
faaloon karo. Alifaad xogogaal, adeegsiga toorbinada ama diiradaha araga fog,
iyo ururinta qoraal waxay u baahanyihiin maskax xisaab taqaan.
Dayaxgacmeedka iyo alaadaha wax cabira ee loo adeegsado
barashada iyo u kuurgalka xidigiska iyo guud ahaan cilmiga falaga, shaki la'aan
waxaa ku dheereeya reer galbeedka. Sidaas ayeyna arintu aheyd 100 sano wixii ka
danbeeyay ee qarnigan. Balse aqoonta xidigiska waxay bilaabtey, gaar ahaan
culimadii Islaamka ahaa waxay bilaabeen labo qarni ka dib bilowgii taariikhda
Hirjada.
Bulshada Soomaalida iyo Adeegsiga Aqoonta Xidigiska
Dhanka Soomaalida iyo waxa ummadeena ay ka taqaan cilmiga xidiska
iyo adeegsiiisa. Baaris dheeraad ah ayey u baahantahay sida reer miyiga maanta
u adeegsadaan aqoontooda xidigiska.
Magacyada Af Soomaaliga Ee Dhulalka
Dusaa, Waxaraxir, Dhul, Farraare, Cirjeex, Raage, Uraano,
Nebtuun, Buluuto
Haddii aad fiiriso qaamuuska Af Soomaaliga,
waxaad arkaysaa in ummadeena oo reer miyi iyo ma akhristayaal u badan hadana
inaan (dhulalal)ama meerayaasha ula baxney magacyo asal ah sida:
1.
Dusaa (Cuddaar)
2.
Waxaraxir (xidiga
waabberi)
3.
Aduunka
4.
Farraare (Mariikh)
5.
Cirjeex ama
Cirjiir
6.
Raage (Saxal)
7.
Uraano
8.
Nebtuun iyo
9.
Buluuto.
10.
IYO LABA DHULOO HADDA
LA SOO ARKAY
Sidaad aragto, sagaal cir ayaa jira laakiin qoraalkaan
diyaarintiisi baaris xigasho oo rasmi ah ma jirin. Reer galbeedka waxay
yiraahdaan waa sagaal dhul ama (9 planets). Ka tuur labada dambe. Maxaad
haysaa? Waxaad haysaa todobada "cir" ee culimadeenii ay kutubtooda ku
qoreen qarniyo badan ka hor waana sida aan u naqaan Sabca Samawaat.
Ma Cirarbaa Mise Waa Dhulal?
Caqliga bini-Aadamkase haddii aad dhulka joogto, wax adiga kaa
sareeyo dhul ma dhihi kartid caqliyan ee waxaad oran kartaa cirar. Waa sidaas
falsafada Islaamka oo samooyin ayaa jira oo 7 (sabca samawaat ah)(wal arda) ee
"dhulal" wax la yiraah ma jiraan. Oraahdan waa fikradii ay qabeen u
kuurgalayaashii Islaamkii xiligii ay howshooda socotay. Waana sida aad ku arki
karto kutubtii ay ka qoreen mowduucan.
Waxaa lagama maarmaan ah in fadhi ku haboon la helo si barashada
iyo aqoonta gaar ee ay Soomaalida u leedahay cilmiga falaga la helo sida waax
jaamacadeed iwm. Qoraalo kale oo waxaa jira raadraac ku samaynayo sida
Soomaalida ay ugu xisaabtanto aqoonta aasaasiga ee cilmi fallaga.
Islaam 7 Cir & 7 Dhul
Baaris dheeraad ah iyo ku laabasho tafsiirka Qur'aanka ayaa cadeeyay
in tiradu tahay 7 & 7. Rabbiga abuuragay kownkan cid kaga aqoon badan ma
lahan. Suurada Dhalaaq aayada ugu dambaysa ayaa xaqiijisay jiritaanka Todoba
Cir iyo Todoba Dhul. Qaybta hore ee aayada 12aad, "Ilaahay waa kan abuuray
todoba cir oo dabaqdabaq ah dhulkana tira la eg..." haa
Waa dhulal ee cirar ma ahan
Waxa loo yaqaaan (ingriis: planets) waa dhulal. Haddii aan
tusaale ahaan u soo qaadano luuqada ingiriiska ereyga "earth" waa
dhul, dhulkana labo micnood ayuu yeeshaa oo waa dhulka guryaha laga dhisto ama
waa midka meeraha ah ee qoraxda ku meereeysta. Erayga dhul laba micnood ayuu
yeellan karaa. Markii aan hawada dhow aan ka baxno oo aan gaarno meesha daxay
gacameedka gaaro markaas afarta dhinac waxaa naga xigaya cir. Cirkana waa
isbeeyska afarta dhinac ka xiga dhulka. Marka aan dhulka joogno ma arki karno
afarta dhinac ee cirka ah laakiin waxaan aragnaa qaybta sare kaliya. Dhulalka
ama planet-yada mid midka kale ka sareeya ma leh ee kuligood waxay ku
meereeystaan qorraxda wayna isla siman yihiin oo ayagoo simman ayey heehaabaan
cirka.
thnks
ReplyDelete