SOOMAALIYA
1875kii waxay ahayd markii ugu horaysay ee gumaystayaashii Ingriiska, Faransiiska, iyo Talyaaniguba ay soo cago dhigeen gayiga Soomaaliyeed. Ingriiska oo maamulayey Cadan (Yeman), wuxuu go'aansaday in uu lug ku yeesho dhinaca kale ee badda Gulf of Aden (Berbera).Ingriisku wuxuu ku fakerayey in si uu u ilaashado maraakiibtiisa ka imanaysa India, ee maraysa badda cas ay lagama maarmaan tahay in uu hanto Berbera. Fransiisku wuxuu isna ku fekaray in halka ugu dhaw ee uu Ingriiska ka carqaladaynkaro uu yahay isaga oo Djibouti deegaan ku yeesha. Ingriiska markaas wuxuu ka waday Bariga Africa dhisitaan khad tareen oo isku xidha wadamada Bariga Africa. Talyaaniguna wuxuu markaas lawareegay gacan kuhanynta Koonfurta Soomaaliya oo aan markaas ahayn dhul leh ahmiyad lamid ah kan dhinaca waqooyi ee Soomaaliya. Maadaama Ingriisku aanuu aad u danaynayn Koonfurta Soomaaliya.Talyaaniga waxay u noqotay tani fursad uu ku doodo in uu kamid yahay wadamada reer Europe ee wax gumaysta. 1900. boqorkii Ethiopia Menelik wuxuu qabsaday dhulka Soomaali-galbeed, ama Ogaden. 1899kii Sayid Maxamed C/lle Xassan wuxuu dagaal kala horyimid Gumaysigii Ingriiska. Wuxuu Sayidku dagaalka waday mudda 21 sano ah.Ugudanbayn Ingriisku waxay duqayn xagga hawada ah ku baabi'iyen xarumihii Sayidka. Tani waxay keentay in uu hakad galo halgankii umadda Soomaalidu ay kula jirtay Gumaystihii dalka ku sugnaa.1941-1949kii Ingriisku wuxuu maamulayey gabi ahaanba Soomaaliya, maadaama ay xulafadiisii ku guulaysatay dagaalkii labaad (WWII). 1948kii xulafaddii dagaalkii labaad (WWII) ku guulaysatay waxay ugu deeqeen Ethiopia in ay hanato dhulka Soomaaligalbeed (Ogaden). 1949kii Qaramada Midoobay waxay 10ka sano ee soosocota Soomaaliya hoos gaysay Xukuumadda Talyaaniga.SYL tan aad ayay uga soo horjeesatay xiligaas, waxayna muujisay sida dadka Soomaaliyeed diyaarka ugu yihiin in ay xoriyad helaan.
26 jun, 1960 Soomaalida Waqooyigu waxay ka xoroobeen Ingriiska. Isla sanadkaas 1st July, 1960kii Soomaalida Koonfurtu waxay ka heleen madaxbanaani Talyaaniga. 1964kii Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa dhexmaray dagaal gaaban. Isla wakhtigaas Ethiopia iyo Kenya waxay wada saxiixdeen heshiis dhinaca milateriga ah oo Soomaaliya ka dhan ah. Xiligan Soomaaliya waxay u leexatay in ay kaalmo milatari waydiisato Soviet Union. Maraykankuna wuxuu isla xiligan kaalmo dhaqaale iyo mid milateriba siiyey Ethiopia. 21 Octobetr, 1969kii Maj. General Maxamed Siyad Barre iyo ciidamada qalabka sida waxay lawareegeen talada dalka, waxayna inqilaabeen xukuumaddii Ra'iisal-wasaare Maxamed Ibrahim Cigaal kadib dilkii madaxweynihii Qaranka C/rashiid Cali Sharma'arke 15 October, 1969 uu ku dilay mid kamid ah ilaaladiisi magaalada Laascaanood. 1 January, 1973 xukuumadda Milatterigu waxay ku dhawaaqday in afkii Soomaaliga laqoray.Bishii August, 1974 uguyaraan 20,000 macallin oo Soomaali ah ayaa ka qaybgalay ololihii horumarinta reermiyiga. June, 1976 Xukuumaddi Milaterigu waxay abuurtay Xisbiga Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS). Wuxuu ahaa xisbiga kaliya ee loo ogalaa dalka. Xiligaas Xukuumadda Milaterigu waxay ku dhawaaqday in ragga iyo haweenku simanyihiin, waxayna abuurtay xoogag cusub oon horay loo aqoon Sida, "Guulwade." 1977-1978 waxaa socday dagaalkii Ogaden ee dhexmaray Soomaalida iyo Ethiopianka. April, 1978 koox katirsan ciidamaddii qalabka siday oo uu kamid ahaa hogaamiyayaashooda Col. C/llahi Yusuf Axamed ayaa isku dayey inqilaab dhicisoobay. December, 1979 Xukuumaddii Milaterigu waxay qabatay doorashooyin baarlamaan; Laakiin golihii baarlamaanku wuxuu kayimid haldhinac oo ahaa dhinaca Xukuumadda.February, 1982 Maj General Maxamed Siyad ( Madaxweyniha Soomaaliya) wuxuu booqday Washington. Xilligaas waxaa xabsiga laga siidaayey ra'iisalwasaare Maxamed Ibrahim Cigaal, waxaase xabsiga lootaxaabay siyaasiyiin kale oo ay kujiraan qaar kamid ah golihii wasiirada. Siyaasiyiintan markan xabsiga lootaxaabay waxaa kujiray Dr. Maxamed Aden Sheikh, Maj. General Cumar Xaji Masalle ( oo labadaba ay aad isugu dhawaayeen Madaxweynaha); Madaxweyne ku xigeenkii, Ismacil Cali Oboker, iyo Wasiirkii Arimaha Dibadda, Cumar Carte Qaalib. 6 April, 1981 waxaa London lagu aas-aasay ururkii SNM ee ay taageerayaasha u ahaayeen Qaar kamid ah Soomaalida waqooyiga. July, 1982 Ciidamada Milateriga Ethiopia oo ay caawinayaan Jabhaddii SSDF ayaa weerar kusoo qaaday bartamaha Soomaaliya.Ethiopia waxay danaynaysay in ay Soomaaliya laba u kala goyso. Balanballe iyo Goldogob waxay u gacangaleen Ethiopia. Waxaana xukuumaddu ku andocootay in magaalooyinkan lagu xasuuqay shacab badan oo Soomaali ah. Isla xilligaas mucaaradku waxay ku doodeen in shacab badan oo Soomaali ah ay xukuumaddu ku xasuuqday gobolka Mudug, gaar ahaan agagaarka Galkacyo. Xilligaas waxaa madax u ahaa jabhaddii SSDF, madaxweyne C/llahi Yusuf Axmed. Xilligan wadamada Reer-galbeedku waxay kaalmo milateri iyo mid dhaqaalaba siiyeen Xukuumaddii Maj. Gen. Maxamed Siyad Barre. 1984kii waxaa socdaal qarsoodi ah ku tagey Soomaaliya wasiirkii Arimaha Dibadda ee South Africa, Roelof Botha. Wuxuu ballan qaaday kaalmo milateri haddii diyaaradaha South Africa ay kusoo degaan Soomaaliya. 1986kii Soomaaliya waxay wax ka aas-aastay urur goboleedka IGAD oo lagu aas aasay Djibouti. Xilligan Maj. Gen. Maxamed Siyad Barre wuxuu kula kulmay Djibouti Mangistu Haile Mariam, madaxweynihii Ethiopia xukumayey. 23 May, 1986 madaxweyne Maxamed Siyad Barre wuxuu galay shil baabuur oo uu si xun ugu dhaawacmay. Madaxweynaha waxaa loo qaaday wadanka Sucuudiga oo lagu soo daaweeyey. November, 1986 Madaxweyne Maxamed Siyaad waxaa loo caleema saaray 7sano oo kale. 99% codayn dhan ayuu ku dooday in loogu codeeyay ereyga "HAA." Laakiin xilligaas waxaa dalka ka socday dagaallo sokeeye, dad badan oo Soomaali ahina waxay ka horjeedeen nidaamkii Xukuumaddii Milateriga. 1987kii hay'adda u dooda xuquuqda bini'aadamka ee Amnesty International, waxay ku eedaysay rajiimkii Maxamed Siyaad in uu ku xadgudbay xuquuqda bini aadamka. Tani waxay keentay in Congresska Maraykanku gooyo kaalmadii uu siinjiray Mr. Barre iyo xukuumaddiisii.27 May, 1988 ururkii SNM wuxuu qabsaday caasimadda gobolkii Togdheer ee Burco. 31 May, 1988 isla ururkii SNM wuxuu qabsaday qaybo badan oo muhiim ah oo kuyiilay Hargaysa. Xukuumaddu waxay xiligan xoog milateri u adeegsatay, duqayn lixaadlehna u geysatay labadaas magaalo. Sidoo kale mucaaradku waxay iyana dhankooda dagaalka ku ballaariyeen goobihii rayidka. Dad Soomaaliyeed oo aad u badan ayaa u qaxay Ethiopia. Kumaankun kalena waxay ku dhinteen dagaaladaas. 9 July, 1989 waxaa Muqdisho lagu toogtay Madixii kaniisada katholiga ee Muqdisho, Salvatore Colombo. Ilaa hadda lama helin ciddii dilkiisa ka danbeysay.Isla xilligan waxaa socday dagaallo sokeeye oo u dhaxeeyey xukuumadda iyo mucaaradka, gaar ahaan gobolada dhexe oo la rumaysanyahay in dad badan oo shacab ah ay ku geeriyoodeen. 14 July, 1989 ciidamadii koofiyad casta ayaa cagta marisay mudaharaad ay sameeyeen dad Soomaali ah oo kacaraysnaa xarig loogaystay Sheikh C/Rashid Sheikh Cali Sufi. Waxaa larumaysanyahay in dadbadani ku geeriyoodeen. 15 July, 1989 waxaa xeebta Jasiira lagu xasuuqay ilaa 47 qof oo Soomaalida waqooyi ah. Waxaa lagu tilmaamaa in uu yahay mid kamid ah waxyaabihii ugu xumaa ee laga xasuusto Xukuumaddii milateriga. tani waxay keentay in Xukuumadihii Reer galbeedku ay iska fogeeyaan Maj. Gen. Maxamed Siyaad iyo xukuumaddiisii. 6 July, 1990kii Waxaa isna dadbadini ku geeriyooday mashaqadii ka dhacday Stadium Muqdisho, garoonka kubadda cagta ee Muqdsiho. 13 July, 1990kii waxaa dil toogasho lagu xukumay 46 kamid ah dad siyaasiyiin ah oo kasoo horjeeday President Barre; kooxdan waxaa lagu magacaabay Manafesto Group. In badan oo iyaga kaimid ahina waxay gadaal ka noqdeen dagaal-oogayaal. 31 December, 1990 waxaa bilowday burburkii xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya.

This comment has been removed by the author.
ReplyDelete