AFRIKA
Wadamada Afrika
Wadamada afrika inta la ictiraaf san yahay ee Xoriyada haysta waa 55 wadan Kariirada siyaasadeed ee Afrika Afrika waa qaarada labaad ee ugu weyn qaaradaha aduunka kadib qaarada Aasiya dhanka baaxada iyo dhanka dadkaba. Baaxada Afrika waxay la'egtahay c. 30,244,050 km² (11,677,240 mi²)[2] tiradaas waxaa ku jira dhamaan jasiiradaha lagu xisaabo Afrika. Afrika baaxadeeda waxay dabooshaa 20.3% baaxada dhulka oo dhan. Sida lagu xusay tirokoob caalami ah oo la sameeyay sanadkii 2013ka waxaa ku nool qaarada Afrika dad tiradooda ay dhantahay 1.1 bilyan taasi oo ah tiro u dhiganta todobo qeyboodoo qayb dadka dunida ku noolo maanta.
Qaarada Afrika waxaa ku hareersan biyo; Bada Mediterraniyanka waxay ka xigta waqooyi, sidoo kale Gacanka Suweys iyo Bada Cas waxay ka xigaan waqooyibari, Badweynta Hindiya ayaa kaga taala koonfurbari, iyo Badweynta Atlantika oo ka xigta galbeed. Intaas waxaa dheer, wadanka jasiirada Madagaskar iyo gasiirado kale ayaa soo hoosgala qaarada. Sida rasmiga ah waxaa qaarada Afrika degan 54 wadan oo la aqoonsan yahay, sagaal deegaan iyo labo wadan oo wali la aqoonsan.[3]
Xaga bulshada, qaarada Afrika waxaa ku dhaqan dadka ugu da'da yar caalamka marka tirada guud laga hadlayo; 50% dadka Afrikaanka ahi waa da'da ka yar 19 sano.[4] Juquraafi ahaan, wadanka Aljeeriya ayaa ugu wayn dhulka iyo baaxada, halka Nayjeeriya ugu dad badan tahay; waxaana guud ahaan caalamka la isku raacay in badhtamaha iyo Bariga Afrika yihiin meesha aadamuhu ka soo beermeer markii ugu horeeysay. Waxaa deegaanadan laga helay lafo aad u da' weyn oo muujinaya horaantii dadka. Tusaale ahaan, wadanka Itoobiya waxaa laga helay lafaha ugu da'da weyn inta la ogyahay midaasi oo jirta 200,000 kun sano.[5] Guud ahaan qaarada Afrika waxaa dhex mara dhulbadhaha, waxayna leedahay noocyo badan oo cimilo kala gedisan ah. Waana qaarada keli ah ee laga helo astaamaha cimilada waqooyi ilaa koonfurta dhulka.[6]
Afrika dadka kunool dhamaan waa dadka madow marka laga reebo wadamada Waqooyiga Afrika oo ay ku nool yihiin dad Carab ahi iyo wadamada sida Koonfur Afrika iyo Simbaabwi iyo Nambiya oo laga helo dad tiro yar oo cadaan ay ka tageen gumeystihii reer Yurub.
https://so.wikipedia.org/wiki/Wadamada_Afrika
Comments
Post a Comment