Aqoonyahan Ku Takhasusay Culuumta Casriga IT-ga
Khudbad Cilmiga Kombuyuutarka Ku Saabsan U Jeediyay Arday Jaamacadda Admas Hargeysa Hargaysa (Berberanews) Egn: Maxamed Xasan Cali Cawaale oo ah aqoonyahan qurba joog ah, kuna takhasusay Culuumta Casirga ah ee Information Technology ayaa khudbad la xidhiidha culuumta kmbuyuutarka iyo fursadaha shaqo ee ka bannaan u jeediyay ardayda Jaamacada Admas ee Magaalada Hargeysa. Khudbadan oo ay aad ugu diirsadeen ardaydii dhegaysanaysay waxa uu injineerku kaga waramay qiimaha IT-gu u leeyahay dunida casriga ah, fursadaha ka bannaan ee Somaliland ka jira, isbedelka ku dhaca maalin kasta iyo sida looga faa’iidaysan karo. Khudabada oo aad u dheerayd, waxa uu ku bilaabay sidan “Anigu waxa aan waxbarashada hoose iyo dugsiga sare aan ku qaatay Berbera iyo Burco, dabadeed waxa aan tagay Qahira jaamacad la yidhaa (American University in Cairo) ayaan galay sanadkii iigu horeeyey waxa aan dhigan jiray waxyaabo badan oo jaamacada lagu qaato, sanadka labaad ayaa takhasuska la sameeyaa si...