Sooyaalka Soomaaliya
Taariikhda ama sooyaalka Soomaaliya ( Af Ingiriis : History of Somalia ; Af Carabi : ar aṣ-Ṣūmāl ), sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya ( Af Soomaali : Federal Republic of Somalia , Af Carabi : ar Jumhūriyyat aṣ-Ṣūmāl al-Fideraaliya ) wakhtiyadii hore loo yaqaanay Jamhuuriyada Dimuqraadiga Soomaaliya , waa wadan dhaca Geeska Afrika . [ 1 ] [ 2 ] [ 3 ] [ 4 ] Taariikhda qadiimi ah Dhulka Soomaaliya wuxuu weligiisba ahaa xarun dhexe oo maamusha ganacsiga qeybo badan oo dunida ka mid ah, [ 5 ] [ 6 ] Intasi waxaa dheer, waxaa deegaanka Soomaalidu ahayd mid wax soo saar leh; xaga beeraha, xoolaha iyo kheyraad kale oo dunida inteeda kale ka manaafacaadsato. [ 7 ] [ 8 ] Siday ay isku raaceen in badan oo taariikhyano ah, Geeska Afrika wuxuu xidhiidh la lahaa Boqortooyadii Faraaciyiinta wakh...