Xiddigis
Xidigis ( Af Ingiriis : Astronomy ; Af Carabi : ar ) sidoo kale loo yaqaano Cilmi Fallag iyo Cilmiga Xidigaha waa cilmiga barshada Meereyaasha , Xidigaha , dayaxaanta , Galaagsiyada iyo dhamaan Koon eeynu ku noolnahay. Cilmi Fallaga waa qeeyb ka mid ah Sayniska oo si toos ah u sharaxa barshada Koonka. Qofka aqoonta u leh Cilmi Falaga waxaa loo yaqaanaa Xidigisyahan (astronomer). [1] Gogoldhig Xiddigisku waa cilmiga barashada xiddigaha, Meerayaasha, iyo wax allaale wixii dhacdooyin ah ee ka unkama wixii ka baxsan atmosfeerka dhulka. Waxaa lagu falanqeeyaa xidhiidhka ka dhexeeya meerayaasha, xiddigaha, iyo kawnka ka baxsan atmosfeerka hawada. Falanqayntaasi waxay noqon kartaa cimilada hawada, isbeddelka qaab dhismeedka kawnka, kimisteriga iyo fiisigiska walxahaas ku saabsan. Culuunta xidigiska waxaa horumarkeed...